Wasiirka Difaaca Ingiriiska oo markii ugu horeysay ka degay Hargeysa lana kulmay madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah Maanta ku tegay Soomaaliland,iyaga oo yeeshay kulan muhiim ah.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku tago deegaanada Soomaaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan,sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhigga iyo qunsulka Soomaaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.

Booqashada Wasiirka gaashaandhigga boqortooyada Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xilli muddo 24-saac ah ay ka soo wareegatay markii Xoghayaha guud ee QM uu aqbalay dalab Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalkeeda uga ceyrisay Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana ku dhawaaqday inay soo magacaabeyso ergey cusub.