Sababta ka dambeysa howlgalkii ugu weynaa ee laga sameeyo Afgooye oo la shaaciyay (Dhageyso)

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaasi ku daabushay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo saakay aroornimadii hore ka ruqaansaday magaalada Muqdisho.

Howlgal ay ciidamada huwanta ah ka fuliyeen degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda ayay ku soo qabteen dad u badan dhallinyaro oo tiradoodu ka badan tahay 100-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ku socdaan baaritaano kaddib markii la isugu geeyay xarunta degmadaasi isla markaana la baarayo tuhunka ah inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa saakay ku soo toosay iyadoo geri iyo geed kasta oo ku yaala magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoona sheegay in weerarka lagu qaaday degmadooda aanu horay uga dhicin mid la mid ah.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa idaacadda VOA-da uga warbixiyay howlgaladaasi saakay lagula kalahay degmada Afgooye, isagoona sheegay inuu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu bartilmaameedsaday goobo iyo xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.

DHAGEYSO WARAR KALE

Waxa uu sheegay Guddoomiye Maxamed Ibraahim in howlgalkani uu yahay mid bilow ah isla markaana laga sameynayo dhammaanba degmooyinka ka tirsan gobolka oo uu sheegay inay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, isagoona hoosta ka xariiqay in dhallinyarada la soo qabqabtay la baarayo, kuwii aan dembi laheynna la sii deynayo kuwa dembi lagu helana maxkamad la soo taagayo.

“Howlgalkani wuxuu ku socday xog ay shacabka nala wadaageen iyo kuwo aan anagu heynay” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo sheegay in durba la sii daayay dad damaanad laga helay, wuxuuna tilmaamay in ciidamada howlgalka ka qeyb galay ay yihiin kuwo aqoon buuxda u leh kooxaha xiriirka la leh Al-Shabaab.

Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose

Dhinaca kale warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dhowaan socdaal dhinaca dhulka ah ku tegayaan degmada Afgooye iyo degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaaf wareegaya ciidamadii ugu badnaa.

Degmada Afgooye oo ka mid ah meelaha dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerarada fool ka foolka ah ku qaadaan saldhigyada ciidamada Dowladda iyo AMISOM, ayay sheegayaan dadka degaanka in howlgallada noocaan ah hoos u dhigayo iska hor imaadyada ka dhex dhaca degmadaasi Afgooye.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail:
saxafi37@gmail.com