Ciidamada Nisa oo Sheegay inay Burburiyeen Saldhiga Al-Shabaab ku lahaayeen G/Sh/Hoose.

Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu daabacay in Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan oo ay ku qaadeen deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha hoose ay halkaasi ku bur buriyeen saldhigii maleeshiyada Al-Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen.

Qoraalkan lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeenimadii 5-ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Al-Shabab ku lahaayeen deegaanka Dugule, halkaasina lagu bur buriyay Saldhigoodii, sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray.

Warkaan kooban ee lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeenimadii 5-ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Al-Shabab ku leeyihiin deegaanka Dugule, halkaasina lagu bur buriyay Saldhigoodii.

 

 

NISA@HSNQ_NISA

Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay.

24 people are talking about this