Abaal marino la gudoonsiiyay Ciidamo Booliis ah oo ka socda Dalka Naigeria.

Xafladda abaal marint alagu guddoonsiinayaya saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwoodi ka socday dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Africa ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgala Soomaaliya oo gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka khibradaha Ciidanka Booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka Booliska AMISOM, kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria inay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan inay yihiin safiir dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika, kadib markii Booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen khibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

“AMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan Booliska Nigeria, iyagoo muujiyay shaqo wanaag, kaalina ay ka qaateen Nabadd aiyo Amniga Soomaaliya,waxaa u muujinaysa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda, iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kale”. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Dhanka kale Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan.