Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri.Q-3aad

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska Reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

Tallo.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay,waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-3aad: Quraanshada .

In kasta oo baaritaanadii u dambeeyay ee Nolosha Quraanshada la soo saaray.Oct 27, 2016. Haddana Cilmi ahaan waxaa la isku raaceen in: Dunida ey ku nool yihiin 12.000 nuuc oo quraansho ah, Quraanshadu waxa ey qaadi kartaa Culeys 20 jeer ka badan Miisaankeeda. Quraashadu Sambabo ma leh, waxa ey hawada Oxygen-ka ka qaadataa duleelo jirkeeda oo dhan ku yaal.

Boqoradda Quraanshadu, waxa ey noolaan karta sanndo badan, Waxaa la yiraa Boqoradu waxa ey noolaan kartaa illaa 20 sanno, waana cimriga ugu dheer ee Xasharaadka, halka Xasharaadka qaar sida Tisxigu uu ka noolaan karo Badnaa 7 cisho oo kaliya.

Boqoraddu waxa ey dhashaa Malaayiin Ukuma ah, Boqoradda oo kaliya ayaa Ukun dhali karta. kuwa Lab waxay u galmoodaan Boqorada mustaqbalka inta ay yar tahay, kadibna Labku wax badan ma sii noolaadaan, Haddii Boqoradu ey Baaluqdo ayey bilaawdaa in ey dhasho Ukumihii Yaraanteedii Uurkeeda ku ururay, weeyna sii waddaa dhalmadaa inta nolosheeda ka dhiman.

Beesha Quraanshadu waxa ey ka koobmaan 3 Qaybood, Boqoradda, Shaqaalaha dhidig iyo kuwa Lab. Boqoradda iyo kuwa Lab waxa ey leeyihiin Baalal. Shaqaalaha dhidig malahan Baalal.

Haddii Boqoradu dhimato, Beesha Xubnaheeda kale oo dhan dhowr billod ayey sii noolaan karaan, Boqorada badanaa lama bedelo, kuwa kale ee shaqaaluhuna wax ma dhali karaa. Waxa ey ku xiran tahay nuuca quraanshada qaar ayaa leh hal Boqorad oo kaliya, kuwa kalena dhowr boqoradood.

Waxaa jira Ciidan Boqoradda illlaaliyo, iyo ciidan Beesha ilaaliyo, kuwa cuntada banaanka ka keeno iyo kuwa weerara Beelaha kale. Haddii Beelaha kale ey jabiyaan waxa ey ka soo Ganiimeystaan Ukumankooda, haddii Ukumankaasi ey dilaacaan, ubadkaasi waxa ey Adoon u noqdaan Beesha soo qabsatay.

Qur’aanka & Seyniska.

Seynis yahano ayaa yiri: Quraanshadu waxa ey sameeysaa cod ey iskula hadasho iyada oo isticmaalee dhacaanka afkeeda waxaana la yiraa “Trophallaxis”.

Saynis yahan waddamada Scandinavian-ka ayaa Sannado badan Quraansho ku jirtay Sanduuq Qarsho ah oo weyn, darasad ku sameeyay waxa uuna yiri: waxaa soo ogaaday Quraanshada dhidig ma duuli karo, baalalna male. Tan kale Quraanshadu sida Xasharaadka kale “Cod” kaliya male, ee waxa ey leedahay “Luuqad” ey iskula hadasho.

waxaa lagu yiri: 1400 sanno ka hor ayaa Rasuulkeena Muxamed NNKH uu noo sheegay :

Noolaha Quraanshada ee saa u yar, Suurad Qur’aanka ka mid ah ayaa loogu magac daray. Suuradda waxa Allah noogu sheegay, in Nabiyu laahi Suleymaan CS markii uu soo gaarany waadigii Quraanshada in Quraanshadii dhidigeed ey ku tiri quraanshadii kale: Quraanshooy gala guryahiina yeyna idin jajabin Suleymaan iyo Asgartiisu iyaga oo aan idin dareemin “ yeeyna idinku istagain. ( F.S. 1aad ee Aayadda daliilka u ah).

Sida qur’aanku noo sheegay tan hadashay waa dhidig, Kalmada “Qaala” (قال) waxaa loo isticmaalaa Labka , kalmadda “qaalati-na” Dhidiga (قالت). Qur’aankuna waxa uu isticmaalay “Qaalati”. Taa oo muujinee tan hadashay in ey dhidig aheyd.

Haddii Quraanshada warka soo tabisay ey ahaan leheed Mid Lab waa dhuuli laheed illey Labku baalal ayuu leeyahay, Laakin tan dhidig waa in ey godka ku carartaa iley dhidigu baalal malehe.

Sidaa darteed inay Quraanshadu hadasho,tan dhidigina aynan baalal leheyn,Qur’aanka ayaa cadeynaya.

FG: Beelo Quraansho ah oo la gubay ayaa Rasuulkeena Muxamed NNKH uu arkay, waxa uu yiri: yaa gubay? Markii ey qirteen ayuu yiri: Dabka Allaah oo kaliya ayaa wax ku cadaabi karo ee ha gubina.( waanada Rasuulka raac, quraansho iyo Noola kalena ha gubin-waa iga talo).

Allaah iyo Rasuulka SCW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 4aad

Qore: Yahya Amir