Xuseen Nuuriyow oo kiciyay shucuurta reer Banaadir (Daawo Muuqaal dhif iyo naadir ah)

Boqorka Shiribka Nuuriyow ayaa markii ugu horeysay soo saaray hees kicisay shucuurta dadka ku dhaqan gobolka Banaadir, heestaasi oo muuqaalkeeda uu yahay mid aan caadi aheyn isla markaana noqotay midii ugu casrisaneyd heesaha casrigaan ay ku qaadeen fannaaniinta Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Xuseen Nuuriyow oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxaa heestiisa cusub lagu magacaabaa “Xurmo Banaadir”, waxaana muuqaalka heesta aad ka arki kartaa dhammaanba goobaha uu fannaanku booqday ee ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Fannaanka Xuseen Nuuriyow tuducyada heestiisa ayuu ugu duceynayaa gobolka Banaadir, isagoona degmo oo ka mid ah gobolka ku ammaanay waxyaabaha ay caanka ku tahay, wuxuuna guud ahaan gobolka ugu duceeyay inuu Alle ka haayo xaasidka xagal daacinaya.

“Xaruntii dalkeygaay xiskeygaad ku dhigantee
Xaasidki ku neceboo xagal daaci kula rabo
Allaa kaa xoreeyee xamarey ku waa samoo”.

WARAR KALE

Ayaa ka mid ah miraha heesta “Xurmo Banaadir” ee uu qaadayo boqorka Shiribka Xuseen Nuuriyow oo sidoo kale booqday xeebaha Jasiira, Liido, Stadium Banaadir iyo meelo kale.

Halkaasi waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay dadweyne fara badan oo iyagu ku faraxsan inay arkaan Xuseen Nuuriyow oo isagu ku noolaa dalka Norway balse taageerayaal badan ku yeeshay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

https://www.youtube.com/watch?v=1Scbl2MFuZs&feature=youtu.be