Dowladda Norway oo malaayiin Doolar ku bixinaysa Dib u dhiska Soomaaliya.

Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bankiga Aduunka.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto xadgudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa.

Nikolay Astarob Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay islamaarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Soomaaliya.

Dhanka kale Nikolay Astarob ayaa sheegay in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Ammaanka Soomaaliya.