Antonio Gutters “Eryintii Soomaaliya ay erisay wakiilkii QM ma waafaqsana Dublamaasiyadda Caalamiga ah…”.

Muqdisho:-Xogahaya guud ee QM Antonio Gutters ayaa sheegay in Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku erisay wakiilkiisii uusan waafaqsanayn Dublamaasiyadda Caalamiga ah.

Antonio Gutters ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan in Dowlada Soomaaliya ay mar kale diiday inuu dib u soo celiyo Haysom, kadib Markii Sedax maalmood gudahood ay labo jeer Taleefanka ku wada hadleen Gutters iyo Madaxweyne Farmaajo.

Farxaan Xaaq Afayeenka Xogahaha Guud ayaa sheegay in Ereyga dublamaasiyadeed ee Eryidda loo adeegsado Personna non grata uusan qaban shaqaalaha QM.

“Sida ku cad heshiiskii xiriirka Dublamaasiyadda ee Geneva lana gaaray 1961-kii, Persona non grata waxay qabataa shaqaalaha Diblamaasiyadeed ee Wadan uu wadan kale u dirsaday markii loo eego xiriirkooda, QM wadan ma ahan shaqaalaheedana wadanka la geeyo ma aqoonsado, laakiin waxay ku shaqeeyaan mas’uuliyadda Xog hayaha guud”.

Haysom ma ahan shaqaaale Dowlad gaar ah Soomaaliya u jooga waxaa meesha ka baxaya cayrinta ku xusan go’aankii Dowladda Soomaaliya ay soo saartay 1-dii Bishan, marka loo eego dooda Xoghayaha guud ee QM uu ka qabo cayrinta wakiilkiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wakiilkii QM Nicholas Haysom uu faro galin ku sameeyay Madaxnanaanidda Dalka, sidaa darteedna aan dalka laga rabin inuu ka sii shaqeeyo.

Gutters wuxuu aqbalay Go’aankii Dowladda Soomaaliya waxaana uu sheegay inay Xafiiska QM ee Soomaliya ay ka go’an tahay inuu si hufan ugu adeego Dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Dowladda Faranisiiska ayaa ka hortimid Go’aanka Dowladda Soomaaliya waxayna ku tilmaantay mid gooni ah, wuxuuna Faransiiska taageero buuxda u muujiyay ergaygii la eryay ee Haysom oo ku sheegay Nin daacad ah.