Manchester City oo soo gaba gabeysay Guuldaro la’aantii Liverpool,Markii xalay 2-1 uga badiyeen.

Kooxda Manchester City ayaa ugu dambeyn soo gaba gabeysay rikoorkii guuldaro la’aanta ahaa ay kooxda Liverpool ku soo jirtay tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan, kadib markii ay ku garaaceen 2-1.

Qeybta hore ee ciyarta ayaa lagu kal nastay 1-0 ay ku hogamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta, gaar ahaan daqiiqadii 40-aad ayay la timid Man City goolkeeda koowaad waxaana u dhaliyay Sergio Aguero, waxaana goolkan ka caawiyay laacibka reer Portugal ee Bernardo Silva.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay labada kooxood Manchester City iyo Liverpool soo bandhigeen kubad daawashadeeda loo riyaaqay.

Wiilasha tababare Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa ugu dambeyn heleen goolka barbaraha, waxaana daqiiqadii 64-aad dheesha 1-1 ka dhigay ciyaaryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino, kadib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Andy Robertson.

Kooxda Manchester City ayaa markale hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 72-aad, waxaana goolkan u dhaliyay da’ayarka reer Germany ee Leroy Sane, xili uu ka caawiyay goolkan Raheem Sterling, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1.

Ugu dambeyn ciyarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooxda Manchester City oo ugu dambeyn Sky Blues farqiga dhibcaha ku soo yareesay 4 dhibcood oo kaliya, waxayna sidoo kale soo afjareen rikoorkii guuldaro la’aanta ahaa ay Liverpool ku soo jireen tan iyo bilawga xili ciyareedkan,