Gudoonka Aqalka sare oo hambalyo u diray Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Muqdisho:- Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Cabdi Xaashi ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, isagoo Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, wuxuuna ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

Dhanka kale C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.