Taliska Ciidanka Booliska oo ciidamo hor leh u diyaariyay ammaanka Muqdisho

Jeneral Bashir Cabdi Maxamed  ( Ameeriko) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaariyeen illaa 1000 Askari dheeraad ah oo qeyb ka noqonaya Ciidamada suga Nabad Gelyada Caasimadda.

Taliye America ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadani ay u soo gaba gabeeyeen Tababar islamarkaana si rasmi ah ay uga howl billaabi doonaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay  in Ciidamadani ka rajeynayaan wax  ka bedelida Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somalia ayaa dadaal ba’an ugu jirta xaqiijinta Nabad gelyada Muqdisho  , walow ay ka dhacaan , mararka qaar falal Amniga liddi ku ah kuwaas oo Masuuliyadooda dusha u ritaan Al Shabaab.