Madaxweyne Farmaajo oo si adag u difaacay tallaabadii ay dalka uga ceyriyeen Nicholas Haysom VIDEO

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka dhacay kulan albaabada u xiran kaasi oo dhex maray Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo looga hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligaan, gaar ahaan go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kulankaasi shir guddoominayay ayaa waxay iskula afgarteen inay waajib muqadas ah tahay difaacidda madax bannaanida Soomaaliya, iyagoona ku eedeeyay Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika aanu marnaba ka sii shaqeyn karin dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo saraakiil sarsare, waxaana khudbad kooban ka jeediyay kaddib markii uu dhammaaday kulanka Madaxweyne Farmaajo oo hoosta ka xariiqay waajibaadka dowladiisa ka saaran dalka iyo dadka.

“Haday dadka khalad naga fahmeen khasbiyan waxay fahmayaan sida aan hadda u shaqeyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in beesha caalamka ay kula xiriiriyaan nidaamka ku dhisan is ixtiraam, isla markaana aanay is dhigan doonin oo aanay noqon doonin dad wixii loo sheego iska aqbala.

https://www.youtube.com/watch?v=1wo8kYflvhk&feature=youtu.be