Dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya oo kala saxiixday Heshiis maalgashi.

Muqdisho-Waxaa maanta Heshiis uu ku dhemaray Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya iyo Ganacsato u dhashay dalka Qatar, kuwaasi oo isku afgartay Heshiiskaasi ay gaareen.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim oo ah Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha yo Abdul Aziz Hamad Al-Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaasha Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Dhanka kale Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.