Diyaarad kusoo dhacday Nigeria

Ciidanka cirka ee Nigeria ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca ee la dagaallamaya xooggaga Boko Xaraam ay ku soo dhacday waqooyi bari dalkaasi.

Diyaaradda ayaa soo dhacday gelinkii dambe ee shalay xilli uu dagaal culus degaankaasi ku dhexmarayay milateriga Nigeria iyo dagaallamayaasha Boko Xaraam.

War qoraal ah oo uu soo saaray ciidanka cirka ee Nigeria ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay hawada ka taageeraysay ciidamada dhulka ee Boko Xaraam kula dagaallamaya degaanka Damasak oo u dhaw xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Niger.

Sababta keentay in diyaaradda ay soo dhacdo iyo faahfaahinta dadka saarnaa ayaan horay laga shaacin.

Milateriga Nigeria ayaa dhawaan xoojiyay duulaanka cirka iyo dhulka ah ee uu gobolkaasi ka wado, ka dib markii ay isa soo tareen weerarrada ay geysanayaan Boko Xaraam iyo dagaallamayaasha daacadda u ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.