Dagaal Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray deeganka Tuka-raq ee G/ Sool.

Muqdisho-Wararka naga soo gaaray Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in Halkaasi uu maanta dagaal uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka ayaa la soo shegayaa in ciidamada soomaaliland ay madaafiic ku weerareen saldhig ku yaala deegaanka Tukeraq oo ay joogaan Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland sida ay soo sheegayaan Dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Madaafiicda ayaa laga maqlay tuulooyin u dhow deegaanka Tukeraq, mana jirto Ilaa iyo hada cid sheegi karta khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay ay isweedaarsadeen Somaaliland iyo Puntland.