Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya oo Duqeyn ku dilay 10 ka tisan Maleeshiyaada Al-Shabaab.

Muqdisho-Wararkaka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo Garabsanaya kuwa Maraykanka ay duqayn dhanka Cirka ah ku dileen 1o-ka tirsan Al-Shabaab.

Duqaynta ayaa ka dhacday 150 km Koofur galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan Gobolka Bay, iyadoo duqayntaasi lagu sheegay inay tahay mid lagu doonayo in lagu wiiqo awooda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxay wadeen howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale Mareykanka ayaa Bilihii u dambeeyay wuxuu kordhay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay joogaan Al-Shabaab.