Qof dhaawac ah oo lagu dhax dilay isagoo saaran Saalada Isbitaalka Keysaney.

Muqdisho-Rabshado dhibaato abuuray ayaa maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxayna sababtay geeri xanuun badan oo gudaha Isbitaalka Keysaney ka dhacday.

Qalalaase ayaa ka dhacday, Ceelka Cali Geedi ee degmada Kaaraan, waxayna u dhaxeysay laba maleeshiyo, oo degmadaasi dagan, isku dhacyada labada dhinac ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Balse,mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay oo la geeyay Isbitaalka Keysaney ayaa waxaa uga daba tagay Koox hubeysan ayaa dhaawacii oo yaala qeybta Gar gaarka deg deg ah, ku dishay qofkii dhaawaca ahaa isagoo saaran Saaladii uu saarnaa.

Dhanka kale waxaa la sheegay iney isku dhaceen Kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Isbitaalka,hada waxaa aagaas ku sugan Ciidamo Faro badan oo Booliis ah.