Lionel Messi & Luis Suarez oo degdeg u gaaray Barcelona (Waa maxay sababta?)

Kabanka kooxda Barcelona iyo xidiga ay weerarka kawada ciyaaraan ee Luis Suarez ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona kadib markii ay kooxdooda kaga maqnaayeen fasaxa waqtiga ciid gaaleeda Chrismaska.

Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa saacado kadib kulankii ugu danbeeyay ee La Liga waxay ka duuleen isla garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona iyaga oo kuwada safray diyaarada khaaska ah ee uu Lionel Messi yeeshay laakiin markii ay ka soo degeen magaalada Barcelona waxaa ku soo xoomay jamaahiirta kooxdooda iyo waliba saxaafada.

Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa waqti siiyay taageerayaashooda inkasta oo ay safar dheer ka soo galeen Southa America oo ay fasaxoodii ku soo qaateen, waxaana la arkayay Suarez iyo Messi oo saxiixyo u samaynayay taageerayaasha garoonka diyaaradaha ugu soo xoomay.

Sidoo kale waxaa la arkayay saxaafada oo kamarado iyo mikirfoon la hoos ordayay Lionel Messi si ay su’aalo u waydiiyaan waxayna Messi iyo Suarez soo laabteen iyada oo Valverde uu xili horeba sii bilaabay tababarka kooxdiisa ee kadib waqtigii fasaxa ahaa.

Barcelona ayaa axada la ciyaari doona kooxda Getafe FC kulan ka tirsan horyaalka La Liga iyada oo la filayo in Messi iyo Suarez ay diyaar u noqon doonaan kulankan inkasta oo ay safar dheer soo galeen balse waxay wali haystaan waqti badan oo ay ku diyaar garoobi karaan.

Hakan ka daawo sawiradii laga qabtay soo laabashadii Lionel Messi iyo Luis Suarez ee magaalada Barcelona.