Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Puntland ,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa magacaabay guddiga doorashada guddoonka golaha wakiilada.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona doorashada Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Tiro musharrixiinta ah ayaa isu soo taagay xilka guddoomiyaha, ku-xigeenka koowaad iyo ku-xigeenka labaad.