Madaafiic Galabta lagu weeraray Xarunta Xalane iyo qaar ka mid saare dhimasho oo rax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho:- Dhowr Madaafiic ayaa galabta lagu weeraray lagu garaacay Xarunta Xalane ee degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, iyadoo halkaasi ay ku yaaliin Safaarada Maraykanka iyo Xaruna waxay u tahay Ciidamada AMISOM.

Wararku waxay sheegayaan in illaa shan madfac ay ku dhaceen gudaha Xalane ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xafiiska QM ay ku leeyihiin Xalane, iyadoo Xafiiska QM uu bur bur soo gaaray.

Madaafiicdaasi ayaa sababtay in labbo ruux oo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobe ayaa dhaawacyo fudud uu ka soo gaaraan iyo ruux kale oo ku suganaa gudaha xirada.

Dhanka QM ayaa weerarkaasi ku sheegtay inuu ahaa mid caraqlad ku ah sharciga Aadanaha ah, laguma gaarayo hadafyo siyaasadeed weerar lagu qaado Hay’ad caalami ah.