Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey Videowgii Mahad Salaad…

Af-xumo nabadna kaa kaxaysay, colaadna waxba kama tarto.

Kuwa Soo sameeyey iyo kuwa maalgaliyey video-yadaan akhlaaq xumadu ka muuqato ee lagu jaa’ifaynayo isla markaana lagu bartimaameedsanayo xildhibaannada kooxda Villa Somalia ka aragtida duwan iyo kuwa ganacsatada waaweyn ee dalka qaarkood lagu magac-dilayo waxey reebi doonaan dhaqan-xumo siyaasadda oo dalka muddo ka sii jiri doonta.

Dadku waa ay dareemi karaan mashruucaan gurracan ujeedada ka danbeysa balse waxaa nasiib wanaag ah in la fahmi karo dulucdiisa waxa uu xambaarsan yahay oo u badan naceyb iyo cuqdad oo ah laba cudur oo qofkii ay ku dhacaan ay adag tahay In laga daweeyo.

Waxaa intaas ka sii daran haddii lacagta lagu maalgalinayo akhlaaq xumadaas ay noqoto tii dadka ka dhaxeysay ama magaca umadda lagu Soo qaaday.

Waxaan raalli-gelin u diraynaa Xildhibaanada iyo ganacsatada sharafta leh ee sharaftooda iyo karaamadooda meesha looga dhacay, kuwaasoo waxa ay Soo qabteen dadka yaqaana ay qirsan yihiin.

Daawo Videoga la magac baxay Waa kuma Mahad Salaad