Muddulood ma mucaarad cusub ayuu noqday mise waa muxaafad?! (Warbixin)

Warrar cusub oo xan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay la isla dhex-marayay, hadal-hayn aad u fara badan ayaa soo korortay, sheeko dhahaysa Muddulood Mucaaard ayuu noqday ayaa soo if baxday, imaanshaha arintaasi ayaa ka dambaysay Kulan-weyne shaki badan dhaliyay oo ay beeshu ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Tuhun, cabsi iyo wel-wewl ayuu kulankaasi abuuray, su’aalo badan ayaa la iska weydiiyay ujeedadii kulankaasi, siyaasiyiin & waxgarad ka tirsan beesha Muddulood ayaa si cad kulankaasi u taageeray halka ay qaar kalana ka saluugeen, muuqaal ahaan kulankaasi ayaa u ekaa inay wateen Xildhibaanno iyo Senatoro ku kacsan Dawladda Federaalka ee iminka Xafiiska joogta.

Inkastoo uu kulankaasi ahaa mid si balaaran looga soo qeyb galay ayaa haddana waxaa ka maqnaa oo aan lagu casuumin siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo Wasiirada ka tirsan Dawladda Dhexe ee ka soo jeeda beesha Muddulood, raggii hor boodayay kulnakaasi ayaa halkaasi ku soo bandhigay warbixin la sheegay inay kaga hadlayeen xaaladdu uu iminka dalka marayo iyo waxa kala gudboon beesha.

Xildhibaannada labada Gole ee beesha ayaa kulankaasi ka soo jeediyay warbixino u muuqday inay kaga soo horjeedaan Dawladda Dhexe, biyo dhaca hadalkoodu ayaa ku saabsanaa:- In siyaasad midaysan laga yeesho Dawladda Federaalka, -In beeshu ay ku baraarugsanaato in xaaladda dalka ay ku socoto meel halis ah, -In aaney beeshu ogolaanin in Kali talisnimo dambe ay wadanka ku soo laabato iyo qodobo kale.

Marka laga soo tago hadal jeedinta Xildhibaannadaasi waxaa iyaguna madaashasi ka hadlay siyaasiyiin culus oo horey wadanka u soo hogaamiyay, falanqeyn dheer kadib waxaa la isku afgartay inay odayaasha beesha la kulmaan madaxda Dawladda Federaalka si loola wadaago cabashada ay qabto beesha, waxaana lagu balamay in wixii ka soo baxa kulankaasi dib loogu soo celiyo beesha si ay go’aan mid ah uga qaadato.

Kulankaasi oo xasaasi ahaa ayaa waxaa ka dhex muuqday siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Madax horay dalka Soomaaliya xillal uga soo qabatay sida Cali Mahdi Maxamed, Xasan Sheekh Maxamuud, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Duqii hore ee Muqdisho Cali Ugaas Cabadulle, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Yuusuf Xuseen Jimcaale, Cadde Gaabow & masuulliyiin kale.

Dhanka Xildhibaannada kulankaasi ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Xildhibaan Mina Xasan Shibis , Xildhibaan Maxamuud Abukaato, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Cusmaan Dufle, Senator Maxamed Amiin iyo xubno kale.

Kulankaasi oo dhaliyay guux badan ayaa aragtiyo kala duwan laga bixiyay, dadka qaarkiis ayaa u fasirtay in Muddulood uu noqday Mucaarad cusub halka ay qaar kalana ay ku macneeyeen inaaney aragtidaasi sax ahen balse ay beeshu tahay Muxaafad mar walba jecel in nabad lagu wada noolaado maadaama ay tahay gogoshii Soomaaliyeed.

Inkastoo haatan aan la sii sadaalin Karin dariiqa rasmiga ah oo ay beeshu qaadi doonto ayaa haddana waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay beeshu caddeyso mowqifkeeda siiyaasaddeed ee ku aadan xaalada wadanka.

Waxaa Qoray:
C/llaahi Xasan Axmed (Shiiqaalow)