Al-Shabaab oo Shaaciyay Magaca Ninkii Isku Qarxiyay Tiyaatarka

Xarakadda Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay meel ku dhow xarunta Tiyaatarta Qaranka Soomaaliyeed 22-kii bishaan.

Warbaahinta shabaab ayaa baahisay in weerarkaas uu fuliyay Jamaal Jeyllaani oo ka dhashay Beesha Murusade gaar ahaan jufada Habar Ceyne.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahankaas uu beegsaday mid kamid ah kontorooladda laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, khasaarana uu dhaliyay qaraxa.

Inta la xaqiijiyay 23-ruux ayaa dhimatay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho 22-kii bishaan waxaana ku jirey wariye Cawil Daahir Salaad iyo shacab kale.