Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo goordhow geeriyooday

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Goordhow waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Mayoow Cabdulle,waxaana uu ku magac dheeraa Korneel Ruush,kaasi uu la sheegay in goordhow uu wadnaha Istaagay.

Axmed Mayoow Cabdull ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.