Geeridii Cawil Daahir Salaad Qalinkii: Cabdulqaadir Ruumi


Waxay ahayd subaxnimada Sabtida ee 22 Decembar 2018 markaan ka war helay geerida Allaha u naxariistee weriye Cawil Daahir Salaad.

Sidayda oo kale,ruuxii la soo shaqeeyay, wuxuu maqalka geeridiisa kaddib ku qasban yahay inuu dib u milicsado, qaddariyana howlihii qiimaha lahaa ee uu ka soo qabtay war-baahinta Soomaalida. Waxaa xusid mudan inaan la soo shaqeeyay Cawil Daahir, waxaana ka wada tirsanayn weriyayaashii Raadiyo Muqdishow dhamaadkii sanadkii 1980.Intii ka horraysay sanadkii 1991,waxaan Raadiyo Muqdishow ka ahaa soo saaraha iyo tebiyaha barnaamijyada kala ah bandhigga Raadiyowga,kororso aqoontaada iyo fanka iyo fannnaanka. Haddaba, waa xilligaas goortaan is barannay weriye Cawil Daahir. Waxaa jirta in xilliga shaqada kaddib isa soo raaci jirnay, oo aan weliba sheekaysan jirnay. Saaxibtinnimadu waxay ka timaadaa is-barasho iyo isla dhaqan. Weriye Cawil wuxuu ahaa nin qaddariya saaxibtinnimada, isla markaana xiriiiriya saaxibbada.Haddaba, qormadani waxay ila noqotay inaan murti-koob ku sameeyo howlihii Cawil ka soo qabtay war-faafinta Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta daadihinta doodaha iyo xog ururinta. Waxaan kacudur daaranaa inaan qabyotiri karin dowrkii uu war-faafinta ku lahaa weriye Cawil, waxaanse rajeynaa inaan xus iyo xusuus uga dhigo qoraal tusmo iyo tusaale noqon Kara.

— Xilligii war-baahinta madaxa bannaan.
Biliwgii sagaashameeyada, war- baahin madaxa bannaan ayaa Soomaaliya ka curatay.Sanadkii 1999 ,waxaa la sameeyay idaacadda Horn Afrique,iyadoo Cawil uu ka mid ahaa weriyayaashii ugu horreyay ee ka shaqeeyay. Hal- kudhigga Horn Afrique wuxuu noqday: ‘’ Horn Afrique dayax weeye, warbaahinta dalka weeye’’. Sidoo kale, waxaa xilligaa ka maqli jiray idaacadda Horn Afrique heesta ah: qalalaasta dagaalkaa loo qiil dayayaa .

Waxaan xusuustaa inuu xilligaa Cawil tebin jiray barnaamijyada doodaha ee looga hadli jiray arrimaha siyaasadda. Telefiishanku wuxuu ahaa kan kobciyay, welibana horumariyay barnaamijyada doodaha siyaasadeed. Telefiishanka Universal wuxuu in muddo ahaa astaanta war-baahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya, wuxuuna abuuray madal ay ku wada hadli karaan Soomaalida. Barnaamijka Universal TV ee dood-wadaag waa mid u addegaya bulshada, horumarinta dalka iyo hirgelinta Mabaadiida ku dhisan wada hadalka iyo is qancinta .

Weriye Cawil wuxuu safka hore ka galay weriyayaasha loogu jecel yahay ee Universal TV, dhinaca daadihinta doodaha.Barnaamijyada Cawil ee Doodwadaag waxay leeyihiin tayo nooceedu dhif yahay, waayo waxaa ka muuqata inuu si xad-dhaaf ah isaga ilaalin jiray inuu wax aan la hubsan ama mowduuc ahaan laga baaran degin tebiyo. Weriye Cawil wuxuu waqti badan u huray horumarinta barnaamijyada dood wadaagga, iyadoo lays waafajinaayo xurriyadda fikirka iyo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadal waa hankaaga-tuse. Markaynu eegno murtidan ,waxaa inoo muuqanaysa in hanka weriye Cawil uu ahaa in laga soo kabto wixii dhacay, lana dhiso mustaqbal wanaagsan. Dardaarankii weriye Cawil uu ummadda Soomaaliyeed u jeediyay wuxuu ahaa sidtan: ‘’ Soomaaliya waxay u baahan tahay idinka, qof kastooo Soomaaliya oo neefsanaya Soomaaliyaa maanta u baahan,maxaa yeelay waa sakaraad .Waxay u baahan tahay daryeel,waxay u baahan tahay marxaladda maanta jirta in laga kiciyo,waxay u baahan tahay horumar’’. Aduunyadu waa sheeko iyo shaahid.

Waxaan u soo ioogay sida weriye Cawil hadalka ugu qaybiyo dadka ka soo qayb gala barnaamijkiisa
dood wadaag. Waxaa iyana qaddarin mudan siduu u maarayn jiray waqtiga ,oo ah mid muhiim ah marka la eego barnaamijyada tooska ah. Weriye Cawil wuxuu ahaa nin leh hal-abuur, waxaadna arrintaa ka garan kartaa sida uu dib u habaynta ugu sameeyay barnaamijka dood wadaag, isagoo barnaamijka ku soo biiriyay qayb xog ururin ah oo ku salaysan xaqiiqo raadis. Xaqiiqda waxaa badanaa loo baahdaa marka mowduuc la doonaayo in laga Baaraan-dago.Barnaamijka Cawil ee dood wadaag waa mid aad ka heli kartid lafagur, faaqidaad,faallo iyo war-bixin.

Waxaa lagu xasuusan doonaa weriye Cawil geesinnimadii iyo xammaasadii uu ku soo qabtay howlaha warfaafinta Soomaalda. Waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa Cawil tababarradii uu u fidiyay dhallinyarada ee dhinaca war-baahinta. Waxaa kaloo iyana lagu xusuusan doonaa dowrkiisa la xiriiray dhinaca samafalka.

Gunnaanad. Waa madal hadhweynow. Ceel maaxanaayoo. Macallinkkeennii Cawil Allow kaal. Minan janno Allow gee.
Miro janno Allow sii. Macallinkeen Cawil Allow kaal.

Waxaa Qoray Prof Abdulqadir Ruumi