Duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay ajaanib Al-Shabaab ka tirsan

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed ku dilay saraakiil ajaanib ah oo ka barbar dagaalama ururka Al-Shabaab degaano ka tirsan degmada Jilib ee gobolka J/dhexe.

Taliyaha ciidamada Danab qeybta 43-aad Jan. Cali Maxamed Maxamuud (Bog Madow) ayaa sheegay in iyagoo taageero ka helaya ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ay tababarada ku sameeyaan ay ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaas lagu dilay 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo afar ka mid ah ajaanibta ka barbar dagaalama, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Suuriya iyo Liibiya.

Aweys Abuu Xamza oo u dhashay dalka Suuriya iyo Xasan Alqayadi (Abuu Yaxya) oo u dhashay dalka Liibiya ayaa ka mid ahaa ajaanibta lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay u fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.