Baaritaano dad badan lagu soo qabtay oo xalay laga sameeyay Xamarweyne.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay baaritaano waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir, kadib markii Gudoomiye Waaxeed lagu dilay degmadaasi.

Ku dhawaad Sodomeeyo qof ayaa baaritaanka xalay lagu qabtay, iyadoona qaarkood la sii daayay, qaarka kalana ay ciidamada ka xeysteen.

Gudoomiye waaxeedka ka tirsanaa Degmada Xamar Weyne kaasi oo lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar iyo qof shacab ah ayaa koox hubeysan xalay ku toogtay Xaafada Kood ee Degmada Xamar weyne.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhaca.