Agaasimihii Wasaarada Gargaarka XFS oo Xilka laga qaaday

Sida Lagu shaaciyey Digreeto kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa shaqada looga joojiyay agaasimihii guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka Nuur Colow.

Wasiirka ayaana cadeyn sababaha uu shaqada uga joojiyay agaasimaha oo dhowr bil kaliya xilkaasi hayay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in khilaaf xoogan oo la xalin waayay uu soo kala dhax galay Wasiirka iyo Agaasimaha.