Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Qodobo Muhiim ah.

Wararka laga ku helayo xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kullan ku leh xarunta golaha Shacabka ayaa sheegaya  inay ka hadli doonaan qodobo muhiim ah.

Xildhibaanada Golaha ayaa waxay ka doodi doonaan oo la hor geyn doonaa Miisaaniyada 2019-ka, oo xildhibaanada golaha ay ku kala aragti duwan yihiin.

Dhanka kale kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hakad galay tan iyo markii gudoonka golaha ay isku maan dhaafeyn qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Mooshinka madaxweynaha laga keenay iyo kala diristii gudiga Maaliyada oo ugu dambeyn dib u habeyn lagu sameeyay.