Maxkamadda C.Q.S. oo Toogasho saakay ka dhacday Baydhabo ku fulisay nin Shabaab ka tirsanaa.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya Saakay Fagaaraha lagu magacaabo Maanyafuulka ee  Duleedka Baydhabo ku toogtay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maxamad Aadan Cali Booroow oo 15/6/2017  ku dilay Masjid ku yaala Baydhabo, Sheekh  Madeer Madgaab Caliyow xilli uu Taraawiix ku jiray ayay horay Maxkamadda Ciidamaddu ku xukuntay toogasho.

 Col Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Liibaan Cali Yarow, ayaa goobjoog ka ahaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay.

Maxkamada Ciidamada qalabka  sida ayaa inta badan waxay xukuno ku ridaa Askarta ka tirsan Dowladda iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka kale waa toogashii labaad oo ay fuliso Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, tan iyo markii uu xilka la wareegay  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.