Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la wareegay Deegaanka Goof Gaduud ee Duleedka Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaal ku qabsadeen deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Maleeshiyada Shabaab ayaa sheegay in dagaal qorsheysan ay ku soo qaadeen saakay aroortii ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamadii dowladda ee Koonfur Galbeed oo deegaankaasi gacanta ku haayay.

Al-Shabaab ayaa warkaan ku baahiyay mareegta ay wararkooda ku baahiyaan balse ma jirto illo ka madax banaan oo xaqiijinaya in deegaanka Goof Gaduud ay Shabaab la wareegeen. Dhanka kale Shabaab ma aysan sheegan hadii uu jiro khasaaro ka soo gaaray dagaalka ay sheegeen in ay kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud Buureey, balse taasi badalkeeda waxa ay ku nuux nuuxsadeyn in khasaaro xoogan ay gasriiyeen cidamada dirirtu dhexmartay ee dowladda.