Madaxda Dowladda Oo La Sheegay In Laga Mamnuucay Deegaanada Puntland

Shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen todobo qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha.

War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga, waxaa qodobada laga soo saaray ka mid ah in Madaxda iyo shaqaalaha dowladda Somalia aysan degaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro xiliga doorashooyinka.