Gudoomiyaha Maxkamada sare “Uma dulqaadaneyno in Shabaab garsoor loo doonto…”

Baashe Yuusuf Axmed Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sheegay in Maxkamada Sare ee dalka aysan u dulqaadan doonin in Shabaab garsoor loo doonto.

Gudoomiyaha ayaa digniin u diray dadka u doonta Shabaab garsoorka inay wajahi doonaan cawaaaqib aad u xun, wuxuuna sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan, wuxuuna sheegay in maxkamada ay soo gola joojin doonaan dadkii ay ku cadaato in Shabaab ay cadaalad ay u doonteen.

“Dadka wata Documentiyada been abuurka ah ee u taga Shabaab si ay u carqaladeeyaan hanaanka Garsoorka dalka, islamarkaana uga soo horjeesteen Cadaaladda Saxda ah inay aadaan dhulka Shabaab ay joogaan” ayaan uga digayaan inay Ciqaab adag la kulmayaan.

Dhanka kale hadalaka Gudoomiyaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan magaaladaan Muqdishao lagu maxkamadeeyay dad Shabaab u doontay Garsoor.