Garsoorayaashii dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo maanta la dhaariyay.

Muqdisho-Garsoorayaashan uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxayna ka mid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Xafladii dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowladnimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalka taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, ayaa sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa ragaasi.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa sheegay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga sii wado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.