Dowladda Federaalka oo wafdi culus u dirtay colaadda ka aloolsan Galgaduud (Dhageyso)

Dowladda Federaalka Soomaaliyaa aya guddi u saartay xalinta colaada ka aloolsan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana guddigaasi ay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaano aqalka sare ah, Xildhibaano golaha Shacabka ah, iyo siyaasiyiin.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo kamid ah guddigaasi loo magacaabay xalinta dagaaladaasi ayaa sheegay in guddigaasi mid mid u booqan doonaan deegaanada dirirtu ka socoto, waxa uuna sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay ku xalin lahaayeen colaadahaasi u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Galgaduud.

Wasiir Sabriye ayaa ugu baaqay beelaha dirirtu ka dhaxeyso in ay waan waantooda qaataan oo ay ka aqbalaan in lasoo afjaro dagaaladaasi.

Isla maanta ayey guddigaasi u duuleyn Magaalada Cadaado halkaasi oo ay kaga sii gudbi doonaan deegaanada dagaalada ka jiraan.