Aqristow ma raaci lahayd Diyaad rag Hubaysan oo Bambooyin wata Ammaankeeda sugayaan?

 Falis faarax: Ayaa igu tiri: waxaan Mogadishu ka raacay Dayaarad ay leedahay shirkad Ganacsi oo u socoto Gobal, si aan u soo booqdo waalidkeey.

Waxay tiri: Markii aan gudaha Dayaaradda soo galay indhaheygu waxay qabteen, Kabtankii iyo kaaliyahiisa oo Qoray AK 47 ah korka u saaran yahay.

Markii aan fadhiistay kursigii waxaan arkay Afar Nin oo ah ilaalada Dayaarada, Labo ka mid ahi waxay wateen garuuman , labada kalena Bambada Gacanta laga tuuro ee (F1) iyo Bastoolado, waxay nagu yiraahdeen amaanka Dayaaraddu waa sugan yahay, Qofkii isku daya in uu wax Afduubo ha ogaado Bambo F1 ayaan Afka u galineynaa, Madaxiisuna waa kala faniinaa. Waxaa kale oo aan arkay in Gabdhaha Hoostisku ay wataan Ulo yar yar.

Mid ka mid ah Gabdhaha ayaa wadatay Makroofan aad Codkiisu u dheeryahay , waxa eyna nagu tiri: Ogeeysiis, Ogeeysiis, Xargaha xirata haddii kale gacan ayeey tagee, Cabitaanku Dayaaradda dhaxdeeda waa iib, Ma naqaan waqtiga aan tagi doono halka aan u socon, Jawi Sare ayaan ku duuli doonaa, Halka aan mareeyno kala soco Daaqadda Dayaaradda, Musquluhu waa mamnuuc, Sigaarka Nuuca shirkadeeno Dalka keento oo kaliya ayaa la cabi karaa, Dayaaradu waa ammaan, ceeymisna Lacag kuma khasaarino.

Waxa ey sii raacisay, Afar Tiir ayaa ka raaracda dayaarada oo loogu tala galay haddii Lugaha “Taayaradu” u bixi waayaan in ey cuskato kuna dagto, waxaana aan wadanaa 2ba fuusto oo Shidaal keyda ah oo kuraasta Dambe saaran, sababtuna waa Garoonka aan u socono male shidaal soo noqosho.

Garoonku waxa uu leeyahy laba Raan weey ( Run Way) mid Dagidda ah iyo mid Duulista soo Noqoshada ah, Labada “Run Way” Laba Beelood ayaana kala leh.

waxa ey tiri: kuraasta waa la isla fadhiisan karaa, qofkii cayilan waa in uu dhulka fadhiisto ama uu istaago si kursigiisa laba qof ey ugu fadhiistaan, waxa eyna Bilaawday in ey Aqriso Liiska Magacyada Rakaabka ileyn Tikidho ma jiraane. Ugu Dambeyn waxa ey nagu tiri: Duulimaad Raaxa leh.

Codsi:

Aqristoow, waxaan hilmaamay in aan walaasheey Falis Farah weydiiyo, magaca Dayaaradda iyo Gobalka ey u socdaashay. Fadlan adigu ma ii sheegi kartaa?

Qore: Yahya Amir