Ciidamada Dowladda oo kala dhex galay maleeshiyaad ku dagaallamay deegaano ka mid ah G/Galgaduud.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale la kala dhex-dhigay ciidamo haalkaasi la geeyay si dagaalka uusan u sii socon.

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in Dhinacyada dagaalamay shir lagu dhex dhexaadinayo loo qabto, islamarkaana odayaal dhaqameed badan ay ku sii jeedaan deegaankaasi.

Dhanka kale dagaalkii ka dhacay deegaanka Kaxan Dhaale ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 ruux halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.