Shirkadda Hormuud oo raalli gelin ka bixisay farriin welwel gelisay macaamiisheeda

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa macaamiisheeda u dirtay farriin cabsi gelisay islamarkaana si weyn ay ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala adeegyadeeda.

Malaayiin qof oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo gobolada ay ka howlgasho shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa iyagu welwel xoog leh ka muujiyay farriin ay shirkadda soo dirtay oo ahayd “STAF AYAA IDIN SIINAYAA HADDA. MAHADSANID”.

Farriintaan oo shirkadda Hormuud u dirtay macaamiisheeda taariikhdu markay ahayd 25/12/2018 ayaa sababay in saacado kooban bulshadu iska weydiiso su’aalo dhowr ah, isla markaana qaarkood si degdeg ah ku gaareen xarumaha shirkaasi.

Isla taariikhdaas muddo saacado ah kaddib ayaa shirkadda Hormuud waxay macaamiisheeda u dirtay farriin kale oo sidaan u qorneyd: “RAALIGELIN: Macaamilkeena sharafta leh waxaan si buuxda kaaga raaligelineynaa farriintaan (STAF AYAA IDIN SIINAYAA HADDA). cillad farsamo aawgeedu dhacday.”

Shirkadda Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu macaamiisha badan gudaha dalka Soomaaliya ayaa noqotay markii ugu horeysay oo uu ka dhaco khalad noocaan ah, iyadoo markii hore laga cabanayay farriimaha faraha badan ee ay ku doonayaan inay ku helaan dhaqaale fara badan.