Shaqaale ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo qarax loogu xiray gaarigiisa

Xaafadda 1da Maarso ee degmada Waaberi waxaa ka dhacay qarax gaari nooca yaryar ee raaxada ah, kaasi oo uu watay mas’uul ka tirsan xafiiska shaqaalaha ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ninka gaariga watay oo lagu magacaabo Cusmaan Dheere ayaa ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo baaritaan, iyagoona xiray gebi ahaanba nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid loo soo qabtay qaraxaasi iyo koox sheegatay inay ka dambeysay, inkasta oo ururka Al-Shabaab uu sheegto falalka noocaan ah iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.