Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay tartanka K/Cagta maamul goboleedyada & G. Banaadir

Tartanka ciyaaraha gobolada ee sanadlaha ah ayaa waxaa soo wajahday xaalad aan kala caddeyn xilliga la qabanayo, kaddib markii la isku khilaafay in kooxaha tartamaya lagu soo daro ciyaartoy mataleysa maamulka Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhigay Tartanka Tartanka Kubbada Cagta Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Tartanka ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco Bishaan Decemeber,hayeeshee dhowr sababood dartood dib loo dhigay tartanka Kubbada Cagta Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.