Wasiir ku baaqay inaan wax shaqo ah la siinin dhallinyarada qurbaha ka timid

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryaynta Eng. Saalax Sheikh Cusmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu aaminsan yahay in tixgalin gaar ah la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ku baratay gudaha wadanka Soomaaliya.

Eng. Saalax oo magaalada Muqdisho kula kulmay dhallinyaro ka cabanaysa shaqo la’aan ayaa daboolka ka qaaday inuu ka murugoonayo shaqo la’aanta dhallinyaradaasi ku haysato dhulkooda hooyo, isagoo ugu baaqay Dawlada Federaalka inay u hawl gasho sidii ay shaqooyin badan u abuuri laheyd.

“Dawladda Dhexe waxaan kula tallinayaa inta ay joogaan dhallinyarada Qorax joogta ah inaan wax shaqo ah la siinin dhallinyarada ka timid Qurbaha, kuwaasi oo si raaxo leh wax ku soo bartay, haddii ay dhacdo in la tixgaliyo dhallinyarada rafaadka wax ku baratay, waxaan hubaa inay taasi dhallinyarada dalka joogto ka reebi doonto inay Baddaha ku daataan oo ay Dibadda u tarhiibaan” ayuu si kulul u yiri Wasiir Saalax.

Wasiirkaasi ayaa intaa ku darey inuu u soo jeedinayo Dawladda Dhexe in laga daayo goobaha shaqo bixinta in dhallinyarada la weydiiyo Qabiilkooda, isagoo carrabka ku dhuftay inuu jeclaan lahaa in qof kasta lagu qiimeyo kartidiisa iyo aqoontiisa.