Shirweynaha Qaran ee dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay + Sawirro

Magalada Muqdisho waxaa Maanta sirasmi ah uga furmay shirweynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diriye ayaa si wada jir ah u furay Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan waxaa looga hadlayaa Hormarinta ka qeybgalka Dhalinyarada ee Siyaasada.

Dhinaca kale shirkaan waxaa khudbooyin kala duwan ka jeediyay Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka dhallnyarada Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna tilmaameen doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ammaanka iyo horumarka dalka.