Magacyadda xubnaha laga saaray Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka (Akhriso)

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in dib habeyn lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka , islamarkaana lagu soo daray xubno cusub oo ka mid noqon doona Guddiga.

18 Xubnood ee uu Magacaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka , 15 ka mid ah horay ayay u shaqeynaayeen , waxaana lagu soo daray 3 xubnood oo cusub, sidoo kalena waxaa laga saaray Saddex kale.

Saddexda xubnood ee Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka laga saaray ayaa kala ah Gudoomiyihii Guddiga Cali cabdi cusmaan , Gudoomiye ku xigeenkii Maxamed Aadan Mocalim iyo xoghayihii Guud ee Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Saddexddaan xubnood labo ka mid ah waxa ay ahaayeen kuwii horboodaayay warbixintii dhalisay buuqa badan ee ku aadaneyd Musuq lagu eedeeeyay dowladda,halka uu kasoo horjeeday Gudoomiye ku xigeenka Guddiga.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Risaala u xaqiijiyay in sababta keentay in Guddiga laga saaro in ay tahay in aysan la shaqeyn karin xubnaha ee kale ee Guddiga.

Guddoonka ayaa xal u arkay in dhammaan Madaxda guddiga meesha ay ka baxaan si loo dhameeyo Khilaafka Guddiga Maaliyadda ee golaha Shacabka.