Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Ku Simaha Madaxweynaha Dolwad Goboleedka koonfur Galbeed Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada koonfur Galbeed Mudane Abdikadir Shariif ayaa Xilka Si Toos ah Ugu Wareejiayay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka koonfur galbeed AbdiAsiis Hassan Mohamed Laftagareen.

C/casiis Xasan Maxamed Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa 19-ka Bishan Loo Doortay Madaxweynaha Dolwad Goboleedka koonfur waxaana jira bulshada koonfur galbeed oo qaarkood ka biya diidanaa qaabka ay doorashadasi u dhacday iyo inuu ku soo baxo lafta gareen oo ahaa Musharax dowladda ay gadaal ka riixaysay.

C/Qaadir Shariif ayaa kula dardaarmay madaxweynaha cusub inuu horay u sii wado howlaha horyaala maamulka K/Galbeed oo uu sheegay inuu soo maray marxalado kala duwan, isagoona tilmaamay in arrimaha ugu horeeya ay ka mid yihiin xoojinta amniga iyo horumarka gobolada hoos yimaada.

Dhinaca kale Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa munaasabadda xil wareejinta ballanqaaday in maamulkiisu dadaal xoogan uu ku bixinayo fulinta howlihii uu horay u ballanqaaday, wuxuuna ka dalbaday shacabka inuu maamulkiisa ay kala shaqeeyaan howlaha kala duwan sida nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta beelaha ku dhaqan gobolka.