Kulan qarsoodi ah oo Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan qarsoodi ah oo dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ergo ka socotay odayaasha dhaqanka beesha Sade, kulankaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka iyo cabashooyin la xariira maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland.

Wafdiga ka socda beesha Sace oo uu hoggaaminayay Ugaaska beesha Sade ayaa dib ugu laabtay magaalada Garbahaareey, waxaana soo dhoweyn halkaasi loogu sameeyay uu ka hadlay kulanka ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo.

“Martiqaad aanu ka helnay Madaxweyne Farmaajo ayaan ku tagnay Muqdisho, wadahadalo aan la yeelanay madaxda iyo xukuumada” ayuu yiri afhayeen u hadlay ergada beesha Sade ee Muqdisho tagtay.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Sade ay ka soo horjeedaan maamulka Jubaland ee ay hoggaamiyaan Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan, isagoona sheegay in waxyaabihii ay kala hadleen Madaxweyne Farmaajo la isku afgartay.

Afhayeenka ayaa sheegay in qorshahoodu yahay sidii gobolada Jubaland looga sameyn lahaa maamul cadaalad ah oo matali kara dhammaan gobolada hoos yimaada, isagoona tilmaamay in beesha Sade ay kalsoonida kala laabatay maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale xiisadda siyaasadeed ee ka oogan magaalada Kismaayo ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa, iyadoona xildhibaano ka tirsan maamulka Jubaland u soo baxsanayaan magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka hor yimaadeen rabitaanka maamulka Jubaland.