Ii sheeg xisbiga aad ka tirsan tahay,si aan kuugu sheego qabiilkaaga.

Doorashadii Feb.1956-dii Baarlamaanku wuxuu ahaa 70-Xildhibaan,10 waxaa la siiyay Ajaanibtii ku noolayd Somaliya: 4 Talyaani, 4 Carabta, 1 Hindi, 1 Bakistaan. 60-ka Xildhibaan ee soo hartay waxaa ku tartamayay Somalida Koofurta.

Hal ku dhigga doorashadaa ayaa ahaa (Vota per chi Vuoi, Ma Vota) qofkaa doonto u codeey laakin codeey. Waxaana ku tartamayay 60-kaa kursi,10 Xisbi oo kala ahaa:

1-Giovani Bagiuni ( Xisbiga dhalinyarada Qabiilka Baajuunta). 2-Gruppo Afgoi Audegle. 3- Hizbia Dighle e Mirfle. 4-Lega dei Giovani Somali –SYL. 5-partito Democratico Alula. ( Xisbiga Dimoqaraadiga ee Caluula). 6-Partito Democratico Somalo. 7- Partito Sei Scidle ( Xisbiga 6da shiidle). 8-Unione Giovani Banadir ( Midowga Dhaliyarada Banadir). 9-Unione Giovani Hauia ( Midawga dhalinyarada Hawiye. 10- Unione Merehan ( midowda Marexaan). ( F.S: 1aad)

Natiijadii SYL ayaa heshay 43 ka mid ah 60-kii Xildhibaan ee lagu tartamayay, waxa lagu codeeynayay 25 goobood oo tiiba laga soo dooranayay 1-5 Xildhibaan.

Waxaa codeynayay ragga da’doodu ka sareeyso 21 sanno, dumarku kuma jirin. Musharuxuna waa in uuna ka yaraan 30 sanno. Waana inuu Qori karo Aqrina karo farta Carabiga iyo Laatiinka, waana inuu degenaa gudaha Dalka Somalia ugu yaraan 1 sanno doorashada ka hor (Lama ogoleyn dadka Dibadda uga yimaad doorashada darteed, haddii ay waayaana iska noqddo)

Gobalada Koofure oo dhan, doorashadu Magaalooyinku waxay aheyd Toos (Direct), Miyigana mid Dadban (indirect), waxaa jiray 614 xubnood gudiyo ka kooban Miyiga, reer miyigu waa codeyn karaa hadduu 15 Sanno gaaray.

Natiijadu waxay noqotay SYL 43 xildhibaan, Hizbiya Digil & Mirifle 13, Somali Democaratic Movement 3, Marehann Union 1. Lixdii xisbi ee kale waxba ma helin 43+13+ 3+ 1= 60.

Waxaad is weydiin kartaa. Xibiyadii Caluula (Majeerteen), Hawiye, Reer Banadir , Reer Afgoi iyo Audegle, Shiidle oo ah qabiilo tira ahaan badan sidey wax ku waayeen oo Mareexaana 1 kursi ku helay. Kuwani waxay u codeeyeen SYL oo aan iyadu markaa Qabiil ku tiirsaneyn, Marexaankana qaar ayaa iyana SYL u codeeyay.

Tix raac. 1-Source: Elections in Somalia African Elections Database, Sternberger et al. 2-Dolf Sternberger oo ahaa macalin Jamacadda Heidelberg ee Jarmalka. 3- Buuga Die Wahl der : Bernhard Vogel oo isna Jarmal aha , Dieter Nohlen & Klaus Landfried. 4-Band II: Afrika, Zweiter Halbband.

Doorashadii 1969kii.

Midowgii Labada Gobal ee Waqooyi iyo Koofur, tirade Xildhibaannada waxaa la gaarsiiyay 123 Xildhibaan iyo 1 kursi oo ah Madaxweyniihii hore oo Xildhibaan ahaanayo inta uu nool yahay, sida sharcu qabay wuxuuna ahaa: Adan Cabdulle Cusman.

Dorashadii 26 March 1969, waxaa ku tartamayay 64 Xisbi, halka tii hore ey aheyd 10 Xisbi oo kaliya , Qaarkood waxaa la sameyay wax yar doorashada ka hor. Shuruudaha kan codeynayo waan in uu jiraa ugu yaraan 18 sanno, kan la dooranayo ugu yaraan 25 sanno, waa in uu wax Aqri karo waxna Qori karo, waa in uuna noqon shaqaale dowladeed, iyo Ciidamada haddii uu yahayna waa in uu ka ruqseeystaa, doorashadu waxa ey ka dheceysay 48da Degmo ee dalka oo dhan.

Waxaana ku tartamayay 2,214 Musharax. Waxaa codeeyay 879,554 Cod bixiye, waxaa xumaaday 97,320 Cod, waxaana ansaxay 782,234 Cod. Natiijadii waxa ey noqotay 73 kursi oo ka mid ah 123 dii kursi waxaa helay SYL, SNC waxa ey heshay 11 kursi, Xisbu Dastuurul Mustaqbal waxa uu helay 8 kursi, Somali African National Union waxa uu helay 6 kursi , Partito Liberale Giovani Somali waxa ey heshay 3 kursi inta kale waxa ey heleen 1 ama 2 kursi , marka laga reebo 2 Xisbi oo aan waxba helin, xildhibaanadaasi waxa ey xilka sii heynayaan muddo 5 Sanno ah.

Tix raac: 1-Metz, Helen Somalia: A Country Study, Metz, Helen Washington, D.C.: Library of Congress. 2- Peter John de la Fosse Wiles, The New Communist Third World: an essay in political economy, (Taylor & Francis. 3- Central Intelligence Agency (2011). “Somalia”. The World Factbook. Langley, Virginia.

FG: iyada oo xisbiyada koofurtu ku bilaawdeen 10 Xisbi, waxayna gareen 64 Xisbi 1969-kii oo badanaa ku saleysnaa Qabiil marka laga reebo SYL iyo kuwa yar, shuruudo adag ayaa jiray, waxayna Xafiisyo ku lahaayeen Xisbiyadu 48-da degmo ee Dalka.

Hadda 2018 waxay sii marayaan Xisbiyada is Diiwaan galiyay ku dhawaad 30 Xisbi, kumana lahan Xafiisyo Degmooyinka Dalka, badankoodu maba lahan Xarun dhexe, qaarna waa hal Qof oo kaligii Xisbi leh. Ururadii USC, SSDF, SDM, SNA iyo kuwii kale kuli qabiil ayay muujinayeen, Somalidu Qofka Xisbiga u Madax ah ayay fiiriyaan, kidibna Qabiilkiisa ayay ku shaabadeeyaan Xisbigaasi.

Xaggeen u soconaa????????????.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar.

Qore: Yahya Amir