Wasiirka Arrimaha Diinta oo Ka shaqeynaya sidii Xujayda Soomaalida adeeg tayo u heli lahaayeen.

Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Sheikh Nuur Maxamed Xassan oo maalmahan howlo shaqo ku joogay Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Hay’adda u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta.

Wafdiga Wasiirka waxaa soo dhawayn u sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Eng. Cabaas Cabdulqani Qudbaan & Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda.

Labada dhinac waxay dib isula eegeen caqabadihii qabsaday Xujayda Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay, iyada uu Wasiirku xoogga saaray sidii xujayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg ku tayo ah xujayda dowladaha kale ka yimaada.

Wasaaradda & Hay’adda ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay tayaynta adeegga la siiyo Xujayda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro acmaasha Xajka.

Dadaalka wasiirka ayaa wax wayn ka badalay haybadda xujayda Soomaaliyeed maadaama sanadkan 2019 ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 si la mid ah dowladaha Caalamka isla markaasna ay heli doonaan adeeg la mid ah xujayda kale.