MADAXWEYNE GEELLE: “Heshiis dhaqaalaha bedelaya ma jiro” (Maxaa hortaagan iskaashiga dalalka geeska Afrika?)

Dowladda Jabuuti oo ah dalka ugu dekedaha badan geeska Afrika ayaan weli si rasmi ah uga mid noqon heshiiska saddex geesoodka ah ee dhex maray hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretriya, waxaana soo baxaya caqabado hor leh oo saameyn ku yeelanaya mira dhalka dadaalada ka curtay wadamada bariga Afrika, kaasi oo u muuqda mid lugaha la sii gelaya marxalado kale iyo faragelin ay ku hayaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan khudbad ka jeedinayay madal ka dhacday dalkiisa ee looga hadlayay qorshaha iskaashiga wadamada gobolka ku doonayaan inay yeeshaan iskaashi dhinac walba leh, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, wufuud iyo khubarro Soomaali ah isagana kala yimid dalalka caalamka iyo geeska Afrika ayaa shaki geliyay guul laga gaaro qorshahaasi.

Khudbadda Madaxweyne Geelle ayuu ku soo qaatay halku-dhig ay Soomaalida caan ku tahay oo ah “Waan baahanahay bakhri looma cuno”, iyadoo ereyadiisa laga dhadhansan karayay inuu ka lug jiidayo heshiiska dhex maray madaxda saddexda dal ee kale.

Halku-dhigaasi ayaa dad badan waxa uu ku abuuray welwel iyo cabsi la xariirta inuu tashwiish ku furo horumarka dadyowga ku nool dalalka geeska Afrika oo ay dadkoodu isku dhafan yihiin gaar ahaan qowmiyadda Soomaalida.

“Heshiis dhaqaalaha bedelaya ama si kale u rogayo inuu jiro ilama aha” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo u waramayay idaacadda BBC-da, wuxuuna sheegay in dowladiisu aanay diideynin ganacsi dhex mara dalalka geeska Afrika, sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea, wuxuuna sheegay in gaar ahaan dalka Itoobiya uu u dhaxeeyo ganacsi.

Dhinaca kale hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Jabuuti iyo Imaaraadka uu soo kala dhex galay khilaaf la xariira dhinaca dekedaha, iyadoo Imaaraadka ugu hanjabay Jabuuti inuu tallaabo ka qaadayo xiriirka ay u jartay xukuumada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa kale oo uu sheegay inay sugayaan dhameytirka waanwaan dhex marta dowladaha Jabuuti iyo Eretrea, isagoona tilmaamay in heshiiskaasi aanu ku dhex milmin qorshaha iminka lagu doonayo iskaashiga dalalka geeska Afrika.

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran