Burcadda Moto Bajaj-ta wax ku dhaca oo Muqdisho ku soo badaneysa (Arrin xalay ka dhacday Yaaqshiid)

Burcadda Moto Bajaj-ta wax ku dhacda ayaa ku soo badanaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo kiisaskii ugu badnaa ee falalka dhaca ah sanadkaan sii dhaamanaya lagu geystay Mootada saddexda lugood leh ee Bajaj-ta loo yaqaano.

Ciidamada Booliska degmada ayaa gacanta ku dhigay Rag hubaysan oo sida la sheegay dhac u gaysan jiray dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ragga la soo qabtay oo watay Mooto Bajaaj, ayaa waxa ay ahaayeen laba ruux oo sida la sheegay watay Bistoolado, kuwaasi oo la dagaalamay ciidamada Booliska intii lagu guda jiray hawlgalka lagu soo qabanaayay.

Saraakiisha Booliska Degmadaasi ayaa xaqiijiyay in xaafad ka mid ah Degmada Kaaraan, laga soo qabtay ragga hubaysan xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan Booliska.

Dadka shacabka ah ee ku nool Degmada Yaaqshiid ayaa maalmihii dambe dareemaayay xaalad amnidaro, kadib burcadda dhaca u gaysanayasa shacabka oo taleefoonada ka qaadata.

Qoysaska ku nool degaanada ku dhow magaalada Muqdisho ee xoolo dhaqatada ayaa qaati ka taagan kooxo burcad oo wata Moto Bajaj isla markaana dhac u geysanaya xoolahooda, gaar ahaan Ariga oo ay ku dafaan Mootadaasi.