Xafladda Taageerada Musharax Madaxweyne Puntland General Assad

Xaflad si heer sare ah losoo agaasimay ayaa lagu qabtay dowlad Goboleedka Arizona, tasoo tageero loogu muujinayey Musharaxa Madaxweyne ee Dawlad Goboleedka Puntaland (Somalia) General Assad.

Xaflada waxaa kasoo qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshaweynta Somaliyeed oo deggan Dowlad Goboleedka Arizona. Haldoor, Indheergarad, Aqoonyahan, Isimo, Culumo, Hoyoyin iyo dhallinyaraba looma kala harin tageerada Musharaxa General Assad Cusman Cabdullahi.

Waxaa la wada ogsoonyahay in PUNTALAND ay baahi weyn u qabto Hogaamiye isku dhellitiri kara Badbaadada iyo Difaaca Dalka, Daryeelka bulshada, Horumarinta Degaanka, iyadoo marwalba saldhig looga dhigayo DAWLAD WANAAG, Mamul hufan, Sinnaan, Cadaalad iyo ku dhaqanka Diinta iyo shurrucda Dalka.

Sifooyinkaasi oo idilna waxay isugu wada dhanyihiin oo EbahaWeyni ku wada manneeystay Musharaxa Madaxweyne ee Dawlad Goboleedka Puntland General Assad Cusman Cabdullahi Maxamud Cadde.

General Assad wuxuu mudadii uu Ciidanka PSF hoggaaminayey muujiyay Wadaninimo dheraad ah, Hawlkarnimo sare, Hoggaamin suuban oo cadaalad ku saleysan, Deryeelka bulshada, Maamul Hufan iyo Geesinimo.

Mahadsanidin!
UNUGA ISGAARSIINTA EE
GOLAHA MIDNIMADA SOMALI-AMERIKAN AZ